// post images.. ooooooooooooooooo00000000000000000000oooooooooooooooooo

Articles Comments

SSC TIMES » News, Qosol iyo Qiiro » Qumane & Qaawane (part 4)

Qumane & Qaawane (part 4)

Arimo farabadan ayaa maalmihii na soo dhaafay ka dhacy dunida Soomaalida. Arimahaasi waa ay kala miisaanwayn yihiin. Hadaba ood dhacmeed sida ay ukala sar’reeyaan ayaa lookala qaadaa ee aan bal dhagaysanno sheekada usbuucan dhexmartay labada saaxiib.

Qumane: Saaxiib maxaa ku helay oo aad labadii maalmood lasoo dhaafay kugu dhacay?

Qaawane: War mahaysid saaxiib. Reerkii Soomaaliyeed ee aan deriska ahayn ayaa isqilaaf qoys soo kala dhexgalay, sidaa darted ayaan fadhigeenii caadiga ahaa u soo gaari kari waayey.

Qumane: Hadaba marka hore naga saar maqaaxidan qaylada badan ee nagee kursigeenii beerta ku yaalay. Maxaa inoo kala danbeeyey reerkaa Soomaliyeed ka sokow?

Qaawane: Waan ogahay in aanad udhega furnayn arimo qaarkood, oo aad aniga igu halaysid in aan kuu soo aruuriyo. Waa ta ay Soomalidu tiraahdu,”ood dhacmeed sida ay ukala sar’reeyaan ayaa lookala qaadaa’ ee aan kuugu horaysiiyo, arinta ugu muhiimsan ee dunida Soomaalida ka dhacday. Waa markii ugu horaysay ee gobol Soomaaliyeed maamulkiisa hoosaad ay magacawdaan iyada oo aan dusha lagaga keeninin nin Governor ama duqa magaalada (mayor). Gobolka Cayn ayaa maamulkoodii dowlada hoose samaystay. Waa arin markii ugu horaysay ka dhacda wadanka Soomaaliya tan iyo 1969kii wixii ka danbeeyey.

Qumane: Arintaa bal si fiican iigu faah faahi.

Qaawane: Waad la socotaa in waayihii hore shicibka tuulooyinka iyo gobolada loo soo magacaabi jiray qofkii u talinlahaa, tan iyo isticmaarkii sidaas ayeey ahayd. Laakiin maanta ayaa shicibkii reer Cayn ciddii u talinlahayd, iyaga ay magacawdeen. Maamuladii horay ujiri jiray iyaga oo aan dadka gobolada u dhashay aan waraysan ayeey cid dusha kaga keeni jireen. Haba ugu siidaraadeen kuwa maanta sheeganaya in ay yihiin maamulo sida waqooyi bari iyo waqooyi galbeed, waxa ay caadaysteen in ay uyeeraan nin iyaga daabacsan oo ay yiraahdaan orod qaado Land Cruiserkan ee xafiiska furo magaalada Laas Caanod ama magaalada Buuhoodle , waxaad wakiil katahay maamulkayaga, calankanna xafiiskaaga suro.

Qumane: Ma waxaad leedahay maanta reer Cayn iyaga ayaa maamulkoodii hoose samaystay?

Qaawane: Waa guul Rabbi! Waa arin taariikhi ah. Xukunka Alleh ka sokoow, xukunka bini’aadan sidaas ayuu ku bilawdaa, waana arin dunida oo dhan loo sheegaa. Waa tan manta keentay in ninkii loo xilsaaray hogaaminta maamulka Hargaysa uu markiiba ku dhawaaqo in lawada hadlo.

Qumane: Wada hadalku muxuu yahay oo laga wada hadlayaa?

Qaawane: Saaxiib wada hadal dhici mayo, sababta oo ah, waxa aan meesha ool arin laga hadlo, inta nin qori wata gurigaaga ku jiro oo weliba kusii taamaya in uu guriga isagu leeyahay oo uu madax uyahay. Waxaa lawada hadlayaa maalinta ninka qoriga sitaa ku noqdo tuuladiisii. Markaa ka dib ayaa waxaa laga xaajoon karaa, sideebaan dadkeena horumar u gaarsiin karnaa oo aan qodobo noo wada dan ah meel isla dhigi karnaa.

Qumane: Ma kula tahay in ay arintaa dhacayso.

Qaawane: Waa yaab! Taariikhda ayaa wax laga bartaa. Miyaad ilawday waagii Caydiid uu qabsaday Baidhaba. Waxaa uu dadkii goboladaa u dhashay ku yiri aan heshiino oo aqbala xukunkayga, maadaama aan dowlad ahay. Jawaabtii waxa ay noqotay iyo halka ay ku danbaysay waad ogtahay ayaan umalaynayaa, reerihii halkaa u dhashay waxaa ay yiraahdeen qori qori ayaa la heshiiya, nabadda dhabta ahna waxaa ay suurta gashaa marka reer walba magaaladiisa wefdi ka soo dirsado oo gogol dhex dexaad ah layskugu yimaado, iyada oo la simanyahay. Marka saaxiib wada hadal dhici maayo ee reeraha goboladan lahaysto ha xasuusnaadaan taariikhdii reer Baidhaba. Saaxiib waa inoo iyo usbuuca danbe.

Qore: Axmaday Xaaji

Written by

Filed under: News, Qosol iyo Qiiro · Tags:

Leave a Reply

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>