// post images.. ooooooooooooooooo00000000000000000000oooooooooooooooooo

Articles Comments

SSC TIMES » Qosol iyo Qiiro » Qumane iyo Qaawane (part 6)

Qumane iyo Qaawane (part 6)

Odaydhaqameedyo

 

 

Qumane: Waatii usbuucii tegay sheekadii uu naga dhexgalay Jaamac ee ina mari aan kursigeenii beerta  ku dhamaystirano sheekadii qaybteedii labaad.

 

Qaawane: Saaxiib intii aan kala maqnayn arimo farabadan ayaa soo kordhay ee bal ii xasuusi halkii aan maraynay iyo qodobkii inoo harsanaa waxaa uu ahaa?

 

Qumane: Waa tii aad ka hadashay ‘Riwaayadii Aqoonraadiska’ si wanaagsan ayaad uga faalootay. Arinta kale maanad magacaabin, laakiin sida aad hadalka udhigtay waxaa ay iila muuqataa arin ka sii muhiimsan tii hore.

 

Qaawane: Haaa! Hadaba saaxiib si wanaagsan ii dhagayso, waxaana kugu jeclahay, sida aad xiriirka dhagaysiga aad ugu wanaagsantahay. Ummadda Soomaaliyeed haddii ay farsamadaa dhagaysiga kaa baran lahaayeen, maanta halka ay joogaan ma’aysoo gaari lahayn, oo dhibka maanta haystaa kuma ay jiri lahayn. Ummaddu marka ay isdhagaysato, faham ayaa dhaca. Si kastaba ha ahaatee arinta aan doonayo in aan kaaga waramo waxaa weeye xaaladda Odaydhaqameedyadii wadanka ay kusugan yihiin.

 

Qumane: Maxaad ula jeedaaa xaaladda ay kusugan yihiin Odaydhaqameedyadii wadanka?

 

Qaawane: Saaxiib war mahaysid. Runtii maba aan doonayn in aan arimahooda dhexgalo, hasa yeeshee, xaaladda ay ku jiraan ayaa igu qasbaysa in aan wax ka iraahdo, maxaayeelay arimo farabadan ayaa isbedelay oo calaamadihii lagu yaqaanay ayaa meesha ka baxay. Haddii aad eegtid magaca ‘Odaydhaqameedyo’, waxaa uu ka kooban yahay laba xaraf oo kala ah – Oday, midka kalena uu yahay, ‘dhaqameed’.

Oday marka la leeyahay waxaa uu xarfkan xanbaarsanyaha tilmaamo qiimo ku leh bulshada Soomaaliyeed. Waxaa ka mid ah; Mas’uuliyad, Xigmad, Aqoon dheeraad ah, dulqaad, garsoor, iyo wixii wanaagsan oo bini’aadan laguyaqaan. Dhaqameedna waxaa weeye hadii aanan qaldanayn wanaagaa lasheegay ciidii kudhaqanta. Hadaba su’aashu waxaa weeye maxaa isbedelay?

Inta aanan taa uguda gelin, waxaa aan ka hormarinayaa oo doonayaa in aan ku waydiiyo saaxiibow, mala socotaa halka aan ka hadlayo?

 

Qumane: Saaxiib hadii aad iwaydiisay su’aashaa, jawaabteeda meel fog ka raadin mayo, ee waxaa weeye, wakhti gudcur ama mugdi ah ayaa lagu jiraa, ee halka aan toojka kugu iftiimiyo indhaha ku qabo.

 

Qaawane: Saaxiibow xigma dheeridaa. Waa runtaa wakhti gudcur ah ayeey ummaddii Soomaaliyeed siiba kuwa sadexda gobol ee mataanaha ah kunool. Kuwii hogaaminlahaa ee tusi lahaa kuna hagi lahaa bulshada wadada toosan oo danta guud ee bulshada ay wakiilka ka yihiin mari lahaayeen, ayeey dhaqan kii lagu yaqaanay maahee mid cusub oo kudayasho siyaasiyiintii Soomaaliyeed shaabaha, markeliya lasoo bexeen. Waxaad moodaaba sababihii loogu magacaabay ama loogu igmaday magaca sharafta huwanaa ee Odaydhaqameed, markeliya madaxa  uurogeen – madaxii ayaa hoos maray, lugihiina dusha ayeey mareen.

 

Qumane: Saaxiiboow! Calaamadah aad ku aragtay inuu isbedel ku dhacay Odaydhaqameedkii gobolada mataanaha ah maxay yihiin? Si wanaagsan iigu sharax illeen waatii la’oran jiray damiinka farwaawayn ayaa wax loogu qoraaayee.

 

Qaawane: Xageebaad ku aragtay ama aad kumaqashay intii aad noolayd oo aad Soomaalinimo ku abtirsanaysay ama sadexda gobol ee mataanaha ah Odaydhaqameedyo ayaa si sir ah tuulo ugu shiray?

Arimahaa waxaa lagu yaqaanay siyaasiyiinta ku howlan sidii ay kiishka ay soo tosheen ku buuxsan lahaayeen. Arintaa arin lagu yaqaanay Odaydhaqameedka ma’ahayn, maxaayeelay, marka horebe taariikh ahaan laba arimood ayaaba loogu dooran jiray darajadaa; midda uu horaysaa waxaa ay ahayd – dhaqaale wanaagsan oo ka muuqda beeshiisa dhexdeeda waa in uu leeyahay – Midda kale; waa in uu leeyahay calaamadihii aan dusha kusoo sheegnay oo ahaa, Xigmad, Aqoon dheeraad ah, dulqaad, garsoor, iyo wixii wanaagsan oo bini’aadan laguyaqaan. Labadaa arimood oo muhiimka bulshada dhexdeeda kulahaa ayeey ahaayeen arimaha loogu igman jiray mas’uuliyadaa Odaydhaqameed. Intaa marka aan isku soo wada duubo Odaydhaqmeedyadu waxaa ay lahaayeen arinta af ingriiska lagu yiraahdo “Moral Authority”, taas hadii ay halkaa ka baxdo, xaaladda xigtaa waa ta Muqdisho ka taagan. Hadaba maxaa xal ah?

 

Qumane: Saaxiib ma su’aal aad aniga ii waydiinaysabaa, mise waa mid aad adiga iswaydiinayso?

 

Qaawane: Waa su’aal aan aniga iswaydiinayo, oo aan xalkeeda ka fekerayo. Marka haddii aan dhinac ka eego waa xaalad cakiran oo soo wajahday dadka sadexdan gobol ee mataanaha ah ku nool. Laakiin si keliya ayeey ku xalin karaan haddii anaga oo Qaawane ah lay dhagaysanayo. Taas oo ah waa in beelaha ay ka soo jeedaan dib isugu noqdaan oo ay intay isku tagaan ku tashadaan in ay Odayadan uu qoraan mushahar, si ay howshii loo igmaday si dhab ah oo “Moral Value’ gii ama haybaddii ay reerkooda ku lahaayeen ay soo ceshadaan. Reer walba ugu yaraan waxaa uu ka kooban yahay lix ilaa sideed kun oo qof. Marka uu qof walba hal doolar bixiyo, odaygaasi howshii lagu yaqaanay ee dhaqameedka ahayd ayuu si wanaagsan uu fulinayaa oo dhaqanka cusub ee dadkii jahwareeriyey ayaa halkaa ka baxaya. Maxay kula tahay saaxiib?

 

Qumane: Saaxiiboow arintii loo baahnaa maanta ayaad afka ku dhufatay, meelna looga noqon mayo. Haddii ay arintaa dhacdo sadexdan mataanaha ah dhakhso ayeey uu gaarayaan hadafkoodii ahaa sharaftiina dib uu soo ceshada. Marka saaxiib anigu maanta waan daalanahay oo dhakhsi ayaan uu caraabayaa ee waa inoo iyo usbuuca danbe.

 

 

Axmaday Xaaji

Written by

Filed under: Qosol iyo Qiiro · Tags:

One Response to "Qumane iyo Qaawane (part 6)"

  1. c.raxmaan somali says:

    ASALAAMU CALAYKUM ….AXMADAY sxb halkaa kawad sheekadan xiisaha leh ee aad hadba ku eegaysid axwaasha markaa kajirta dhulkeena hooyo,fariidku wuu fahmayaa halka ay salka kuhayso sheekadan doqona wakhti loogu sharaxo malaha looma hayo… mahadsanid

Leave a Reply

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>