SSC TIMES » News, Qosol iyo Qiiro » Qumane iyo Qaawane (part 7)
Qumane iyo Qaawane (part 7)
Dan Kale Uu Adeege
Qumane: Saaxiib sheekadii maalin dhawayd aad ka hadashay meel fog ayeey ila gaadhay.
Qaawane: Saaxiibow sheekooyinka sidaas xasaasiga u ah maqaaxi dhexdeed loogama bogan garee,
ina keen kursigii aan dunida ku falanqayn jirnay. Mashaahbaan kuu sooqaada mise koob qaxwe ah?
Qumane: Waad mahadsantahay ee waxaad ii keentaa qaxwe caano leh.
Qaawane: Waayahay sii soc waan kaa daba imanayaaye.
Qumane isaga oo keligii isla hadlaya ayuu dhinacii beerta u dhaqaaqay. Tolow maanta waa kan
saaxiibkay marba madaxa ruxayee, muxuu soo wadaa oo uu marba dhinac qoorta uu qaloocinayaa?
Kollay arin sahlan maaha mar hadii uu Qaawane madaxa dhowr jeer ruxo oo uu koofida hor iyo
gadaal u cesho.
Qumane: Saaxiib maxaa ku helay oo aad ku raagtay?
Qaawane: Wax kale maahee koobabkii “take-awayda” ayaa ka dhamaaday oo aan uxayirmay.
Qumane: Meelkasta oo aan joogno qorshaha ayaa naga xun, marka aad talo siisidna waa lagula
yaabayaa oo lagu leeyahay ‘waa oday asaasaqay oo dhaqankii cadaanka qaatay!’ Iska ilow ee
xageebaan maraynay?
Qaawane: Waa taan ka hadalnay Odaydhaqameedyada. Laakiin saaxiibow hadii aad si uu eegtid
iyagu layaab malaha ee dadka ay ka soo jeedaan ayaan lahayn Mowqif cad. Kii wax bartay iyo kii aan
wax baran waa dameer iyo labadiisa daan. Dhinaca ay uu socdaan iyo dhinaca ay ka socdaan karan
maysid.
Qumane: Saaxiib waad iga dheeraynaysaa ee sheekada si sahlan iigu kala qaad qaad. Si maldahan
ayaad maanta u hadlaysaa.
Qaawane: Saaxiibow laguu waran. Arintan aan doonayo in aan kaala hadlo waa arin muddo soo
jirtay oo had iyo jeer reerkan ku nool sadexda gobol ee mataanaha ah lagu yaqaan, laakin aanay
iyagu arintaa isku aqoon.
Qumane: Arintaa maxay tahay oo lagu yaqaan iyagana aanay isku aqoon?
Qaawane: Sida aad ka warhayso waata ay Soomaalidu reer reer isu kala qaybiso. Reeraha kale ee
aan uu dhalan sadexda gobol ee mataanaha ah, marka ninkooda aqoonta lihi ama kooda waxgaradka
ihi talo soo jeediyo amaba uu horkaco way aqbalaan oo way daba galaan, sidii SNMtii reerihii ay
kasoojeedeen Siilaayo u daba galay, amaba USC reerihii kasoo jeeday uu dabagaleen Caydiid amaba
SSDF ay uu dabagaleen Cabdullaahi Yuusuf,laakiin reerkan ku nool sadexda gobol ee mataanaha
ah, kuwoodii waxgaradka ahaa ama kuwii lahogaaminlahaa waxaad moodaa in ay wacdi ku galeen
yaanan isdhagaysan oo yaanan idiin shaqyn oo na hogaaminmaysid,kudhagaysan mayno, anna idiin
danayn maayo iwm. Madoonayo in aan taariikhda fog ku noqdo ee ta maanta taala aan bal in yar
kaaga bidhaamiyo.
Qumane: Saaxiibow adiga ayaaba war haya. Weligay dhinacaaba kama eegin, inkastoo aan arkay in
meel uun wax ka qaldan yihiin oo iska horimaadkan taariikhiga ah meesha jiro.
Qaawane: Waataad maqashay in Barigaa fog oo buralayda dagaalo ay ka socdaan. Dagaalkan ninka
hogaaminaya ee u gashtay dharkii dagaalka waa nin ka soo jeeda sadexda gobol ee mataanaha ah.
Dagaalkaa dadka lagu qaadayana waa dadkii meeshaa u dhashay oo aanay cidi dibadda uga soo
duulin oo aan xoog lagu qabsan. Hadaba su’aashu waxaa weeye dhulkan laqabsaday oo ay ku soo
duuleen reer sheeganaya in aanayba ka mid ahayn qaranka Soomaaliya, muxuu tuutaha ugu gashan
waayey oo uu xorayntooda ugu horkiciwaayey oo uu axdigii 14kii odaydhaqameedka goboladiisa uu
taageeri waayey?Midda kale dadkii u kacay in ay xorystaan dhulkooda muxuu uga soo horjeestay?
Saaxiib arintaa jawaabteeda meel kale ha ka doonin ee waxaa ay ku salaysantahay, arinta ah, ‘Dan
kale uu adeege’. Waa arin reeraha kale oo Soomaaliyeed dhamaantood wada fahmeen. Haddi aad
doonaysid in aad arintaada fuliso, uu yeero nin u dhashay sadexda gobol ee mataanaha ah. Hubaal in
ninkaasi danahaaga si dhab ah uu kuugu fulinayo.
Qumane: Haa! IL’leen nin noolow maaxaa warkuu laaban. Arintan aad ka hadashay waa mid qoto
dheer. Laakiin su’aashu waxaa weeye reerkani mar uun dan tooda magaran doonaan oo maamulkan
yar oo dhiciska ihi maqaan gaari doonaa, oo taariikhdii hore ee lagu yaqaanay reerkan kala jeedaa,
ma u noqon doonaa kii ilays khayrqaba u noqda?
Qaawane: Laba mid ayuu ku hirgeli karaa; waamidee marka ay dadka uu dhashay goboladan
mataanaha ah si dhab ah u fahmaan in ay noolaan karaan iyaga oo aan cidkale oo reerkooda ahayn
ku tiirsanayn – maxaayeelay kuwo badan ayaa waxaa ka maqan kalsoonidii ahayd waad noolaan
kartaa adoon uu shaqayn maamul aan danahaaga hormarinayn amaba aanad isku tastuur ahayn;
arinta kalena waxaa weeye marka hore waa inay isqadariyaan oo ay si dhab ah isku dhagaystaan,
qofkasta oo iyaga ka mid ahna xilka dadkiisa ka saaran uu ka soo boxo isaga oo aanan cidkale uu
adeegayn. Haddi qofka u dhashay sadexda mataanaha ah aanu dhinac na raacsanayn waa in uu ku
dadaalaa labada walaalaha ah ee kala jeeda in uu isku keeno oo uu ku hadal qabsado maah maahda
afingriiska ah ee tiraahda ‘charity begins at home’ amaba teenii Sunnada Muslimiinta ku jirtay
oo ahayd ‘A man’s first charity should be to his own family, if poor.’ Hadaba saaxiibow warkayga
waxaan maanta ku soo gunaanadayaa, su’aasha ah, nin gurigiisiiba dayacanyahay ma kula tahay in
darajo ama magac mala’awaal ah qiimo iyo darajo dhab ah uu samaynayso? Jawaabteeda saaxiibow
adaan kuu daayey.
Qumane: Mmmm! Waa su’aal adag. Laakiin saaxibow su’aashaa waxaan uu fahmay sidatan laga
yaabaa in ay qaldantahay. Waa anoo reerkayga ka taga oo gurigaaga kuugu yimaada oon ku
iraahdo ‘ War ninyahow aan gurigaaga kula maamulo oo xilka aad ka haysid wax iga sii, si aan
mas’uuliyadan badan oo korka kaa saran qayb kaala qaato oo howl kasta oo aanad doonayn in aad
gacmaha isaga wasaqayso aan kuu qabto oo reerkaygii halkaa xilkii iga saarna faraha kala baxo.’
Maxay kula tahay saaxiib sida aan kuugu fasiray su’aashaadii?
Qaawane: Ha! Ha!Ha! Waxaan ku qoslayaa saaxiibow sida sahlan ee aad arintaan maantoo dhan aan
ka hadlayey uu turjuntay. IL’leen saaxiiboow waalidkaa magacan Qumane sahal kuugumay bixin, oo
waxaa ay arkayeen aqoonta aad latimid dunida maanta aan joogno. Saaxiib waa tan qabowgii soo
dhacaye aynu kala carawno ee waa inoo iyo usbuuca danbe hadii Eebe idmo.
Axmaday Xaaji
Filed under: News, Qosol iyo Qiiro · Tags: sheeko story









Comments