SSC TIMES » News » Mudaaharaad Ku Saabsan Masaajid (Daawo)
Mudaaharaad Ku Saabsan Masaajid (Daawo)
New York (ssctimes.com) Mudaharaadyo waaweyn ayaa ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka kuwaas oo ay sameynayeen laba Kooxood oo Iska Soo hor jeeda iyadoo qaarna taageerayaan masaajidka halkaa laga dhisayo qaarna kasoo hor jeedaan.
Kooxaha kasoo hor jeeda in halkaa masaajid laga dhiso ayaa ku doodaya inay ka baqayaan in halkaasi noqoto meesha xarunta Argagixisada. Halka qolada taageeraysaa ay sheegayaan in hadii halkaa masaajidkaa laga dhiso ay daliil u tahay isla markaana ay cadeynayso in dalka mareykanka ay ka jirto xoriyada iyo xaq dhawrka diimahu, Kooxaha iyagu taageersan in masaajidkaa la dhiso ayaa ku tuhmay ama ku sheegay kuwa diidan masaajidkaa inay yihiin dad cunsuriyiin ah.
Telefishinka CBS-2 oo ku yaala magaalada New York ayaa sheegay in labadaa kooxoodba mudaharaadkoodii uu ku dhaamaaday si nabad galyo ah. Booliska magaaladaa ayaa iyagu ku kala dhex jiray labaadaa kooxood isla markaana kala dhex dhigay Birro iyi gidaaro lagu kala ilaalinayo inay isku dhacaan iyadoo Boolisku Birro ku wareejiyay garoonka loo yaqaan Ground Zero oo ah halkii ay ka dumeen daarihii dhaa-dheeraa ee mataanaha ahaa World Trade Center ee ku dumay weerarkii lagu qaaday 11/09/2001,Telefishinka ayaa sheegay in roob badan oo jiray uu keenay inay yaraadaan dadka kasoo qeyb galay Mudahaaraadyadaa taasina ay keentay in la Kaantaroolo.
Aljazeera oo ka warameysa mudaaharaadka maanta ka dhacay New York ee ku saabsan dhisida masaajidka:
Ururka Muslimiinta ee dalka Mareykanka ayaa doonaya inay Bur- Buriyaan dhisme cimrigiisu yahay 150 sanadood isla markaana ay halkaa ka dhisaan Xarun Islaam iyo Masaajid isku jira ah kaas oo ka koobnaan doona 15 dabaq iyadoo qiimaha ku bixi doona lagu qiyaasay 100 Malyuun oo Doller, Muslimiinta mareykanka ayaa la ogeyn inay ogolaan doonaan Qorshe uu u soo jeediyay Xaakimka magaalada New York Mr. David Peterson kaasoo ahaa inay muslimiintu u raraan xaruntooda ay doonayaan inay dhistaan Xaafada Manhattan oo ka tirsan isla magaalada New York.
Iimaamka masaajidkaa Feisal Abdul Rauf ayaa iminka Socdaal ku maraya wadamada Bariga dhexe si ay uga taageeraan wasaarada arimaha dibada ee dalka mareykanka in masaajidkaasi meel maro.
Filed under: News · Tags: somali america









Comments