// post images.. ooooooooooooooooo00000000000000000000oooooooooooooooooo

Articles Comments

SSC TIMES » News, Qosol iyo Qiiro » Sheeko: Mucjiso Reer Ku Dhacday

Sheeko: Mucjiso Reer Ku Dhacday

UAE (ssctimes.com) Qisadani waxay ku dhacdey gabadh dhigan jirtey kulliyada shareecada ee jaamacad ku taalla mid ka mid ah dawladaha Khaliijka, gabadhani waxay lahayd cod aad u qurux badan isla markaana waxay akhrin jirtey habeen kasta qur’aanka kariimka.

Hooyadeed habeen kasta marka ay sii seexaneyso waxay is taagi jirtey albaabka qolka hortiisa waxayna dhageysan jirtey oo maqli jirtey codka wanaagsan ee inanteedu ku akhrineyso qur’aanka, sidaas ayuu xa…alku ahaa muddo dheer ilaa ay maalin maalmaha ka mid ah ay xanuunsatey inantii.

Qoyskii ay ka dhalatey ayaa ula cararey cusbitalka, maalmo ayey ku jirtey dhakhtarka ilaa halkaas rabi ku oofsadey, qoyskeedii wey argagexeen markaa maamulka cusbitalka uu ku wargaliyey geerida inantoodii.

Laakiin warka geerida inantu waxa uu aad ugu cuslaa hooyadeed oo aad uga murugootey, maalintii koobaad ee geerideedu waxay ku ahayd hooyada sannad oo kale aad ayeyna u murugeysneyd, markii ay ka tageen dadkii u tacsiyadeynayey ayaa hooyadeed waxa ay u kacdey 1dii habeennimo ee saq badhkii dhanka qolkii inantu daganeyd, laakiin markii ay soo gaadhey albaabka ayey maqashey codad badan oo aad moodid did wada ooyaya, hooyadii ayaa naxdey markaas ayey ka joogtey iney gasho qolka.

Subaxnimadii ayey ku wargalisey qoyskeedii wixii ay xalay maqashey, aroortii ayaa qoyskii inantu galeen qolkeedii laakiin waxba kumey arag, habeenkii labaad ayey hooyadii isla wakhtii aadey qolkii inanta waxayna maqashey oohintii oo kale.


Markaas ayey ku war galisey aabihii inanta laakiin waxa uu ku yidhi waxa laga yaabaa inaad is mood siisey ee barri ayaan hubsaneynaa, subaxdiina waxba kumey arag qolka, hooyadu waxay ku kalsooneyd iney maqleysey oohintaa, waxay arrinta u sheegtey saaxiibteed, waxaa saaxiibteed ay ku dhiirri galisey iney u sheegto nin sheekh ah.

Wuu la yaabey sheekhii dhacdada, sheekhii waxa uu codsadey inuu yimaado guriga wakhiga ay hooyadu oohinta maqasho oo ah wakhtigii inantu ay qur’aanka akhrin jirtey.

Markii uu yimi sheekhu gurigii oo loo sheegey inantu waxay sameyn jirtey ee qur’aan akhriska ahaa mise waa isla codkii oohinta sheekhii ayaa isna maqley oohintii, sheekhii ayaa ooyey, markaas baa lagu yidhi: Sheekh maxaa kaa oohiyey.

Wuxuu sheekhii yidhi: “Allaahu akbar, malaaigtu habeen kasta marka ay inantu qur’aanka akhrineyso wey soo daji jireen oo wey dhageysan jireen, laakiin hada waa ay waayeen codkii inanta iyo qur’aankii ay akhrin jiritey”.

Taas waxay ku tuseysaa sida qofka alle ku xidhan ay geeridiisa ugu murugoonayaan wax kasta xitaa malaa’igta.

Written by

Filed under: News, Qosol iyo Qiiro · Tags: , , , ,

4 Responses to "Sheeko: Mucjiso Reer Ku Dhacday"

  1. jamaal garaad says:

    walaahay waan ka xumahay waa wax laga murugoodo anaba ooyay markas oo kale ayad garanaysaa in aduunku yahayaakhiru saban oo qofka wanaagsani dhimanayo waxa ku soo hadhaya inta aan quraanka aqoon waxa laga waayayaa aayad quraan ah aduunka oo waxa la labayaa kutubta waxa dhimanaya dadka xaafidiinta ah markaa alaahu akbar inaalilahi wa inaa ilayhi raajicun

  2. jaamac cusmaan maye says:

    INAA LILLAAHI WA.INAA ILAHI RAAJICUUN GEERIDAAS QOSKAAS WAN KAMURGOODAY GABARTAAS ILAAHAY WAXAAN UU GU BISHAARAYNAA JANADA FIRDOOSA INSHAA ALLAAH

  3. kiin says:

    Allaahu Akbar ilaahoo xaqa na waafaji runtan noo iftiimi, aamiin yaa rabi.

  4. ramaal_ladan says:

    ilaah ha u naxaariisto wlhi waan wal waly waana la murugooday lkn waxaa kaloo jirta dhalinta sandkaan waxaan oodhan wey iloobeen xaqa ilaah hausoo toosiya sometimes sheydhaan aa kula talinaayo wax walba lkn lam raaco ilaah hana wada cafiyo dhamaanteenaba amiiiiiiiiiiiiin amiiiiin amiiiiiiiiiiiin

Leave a Reply

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>