SSC TIMES » News, SSC News » Hogaanka SSC: Jawaab Kusocota NSUM
Hogaanka SSC: Jawaab Kusocota NSUM
World (ssctimes.com) Horaantii Bishii Sebtember ayey ahayd markii uu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil nagu kulmiyey shir telepohon oo horudhac u ahaa wada iyo heshiis dhex mara Hogaanka SSC iyo ururka NSUM.
Arintaas waa laysku afgartey waxaanna lagu balamey in 10 xubnood oo labada dhinac ka kooban lasoo xulo wadahadalkuna ku bilaabmo sidaas.Hogaanka SSC wuxuu soo gudbiyey shantii xubnood ee laga sugayey 20 bishii sebtember ka hor, mana jirto labo liis oo ka yimi dhinaca hoggaamiyaha sidaa ayaanu ku sugayney wada hadal rasmi ah oo nadhex maraya Ururka NSUM.
Waxaase nasiib darro iyo wax laga xumaado ah qoraalada nsum ay ku shaaciyeen warbaahinta iyagoo hogaanka ssc ku eedaynaya shirkii ayey burburiyeen.
Waxaannu shacabka ssc meelkastoo ay joogaan u xaqiijinaynaa in Hoggaanka ssc uu diyaar u yahay soona dhaweynayo cidkasta oo reer ssc ah oo nagala shaqaynaysa ujeeddooyinkii loo dhisey hogaanka.oo ay ugu horayso midnimada.
Haddaba waxaannu u sheegaynaa ururka NSUM iyo cidkasta oo kale oo aan horey uga qayb qaadan halganka soo celinta dhulkeena iyo taladeena in ay ubanaantahay kaalintoodii.
Waxaannu ugu baaqeynaa walaalahayaga NSUM in laga waan toobo hadalada aan waxtarka u ahayn tolka reer ssc sida been abuurka, shakhsi canbaaraynta iyo wacyi galinta khaldan ee lagaga duwayo dantooda isku midka ah shacabka reer SSC.
Afhayeenka Hoggaanka midaynat iyo Badbaadada SSC
Axmed Maxamed Xasan (Axmed Gacmayre)
Filed under: News, SSC News · Tags: ssc brave, ssc speaks out, ssc world









Comments