SSC TIMES » News, Qosol iyo Qiiro » Shukaansiga Wadaada iyo Aqoonyahanta (Daawo)
Shukaansiga Wadaada iyo Aqoonyahanta (Daawo)
World (ssctimes.com) Miyaadan jecleyn inaad barato amo aad u muuqatid gabadh wanaagsan oo wadaad ah? laakiin adiga hadaadan wadaad ahayn maxaad sameyn kartaa? daawo videogan oo uu soo diyaaray wiil siinayo waano raga Somaliyeed sida gabdhaha wadaada loo shukaansado, waxuu tilmaamayaa ugu horeyntii waxa la sameeyo si ay gabadha wadaada ah kuugu aragto nin fiican.
Wiilka videogan waxey u egtahay inuu soo maray dhibaatooyin badan kadibna ku qasabtay inuu barto siyaabaha loo shukaansado gabdhaha wanaagsan ee wadaada ah, markaa nala daawo videogan mijaajiada ah ee wiilkii soo sameeyay inoo sheegay inay ku qaadatay mudo dheer inuu ku ogaado siyaabaha loo baran karo gabadh wanaagsan.
Waanda wiilkan bixiyay waxaa ka mid ah:
1) Abu cudayba kadaab la bax
2) Yaan lagaa gar weynaan
3) Salaada Marqaati u hayso
4) Dhafoorka madow ka dhig
5) Jimco walba joog masjidka (waandan horta ajir ayayba kuu tahay ma is tidhi)
6) Kun lacag soo sarif oo ku wada shub sanduuqa zakada (tana huuno adiga aya ajir kuu tahay ma is tidhi)
Markay hadal ogolaato sidan buu sheegay wiilka indhaha cad in la sameeyo:
7 ) maalinta ugu horeyso: Gabadha cadaabta uga sheekee
8 ) maalinta labaad: Gabadha guurka faaiidadiisa uga sheekee
9 ) maalinta sedexaad: meherka ha dhaco (deg deg ku samee tan waayo haday dheeraato sheekada waa denbi)
Hadaba sidee mida xariifada ah ama xariiftanto ama aqoonta buugaaga ku dheereeso loo helaa? videogan daawo:
English:
The young man in the video gives a light hearted humorous advice to any male who is seeking to understand how to get a close or get to know a religious girl, the second video speaks of bookworm girls and how to get to know them i.e. where to go to meet smart educated girls?
Some of the techniques given in the video to successfully acquainting religious girl is growing longer beard compared to other religious guys and giving zaka (charitable donations after prayers), because such acts attract religious girls.
Technique for the smart girl is to hang out at the library and read the sort of books she likes to understand her terminology and boring slangs, he also suggests pretending to be vegetarian and ignoring other Somalis in order to show the smart girl you are out of their league.
Filed under: News, Qosol iyo Qiiro · Tags: sheeko story, somali africa, somali boy, somali girl









Waw lol walee mesha wax ba ka dhacey o fikir iyo maskax wey shaqeysey walow an oran karo wadaad wala kashifey k.k.k.