SSC TIMES » News, SSC News » NSUM Hargeysa Maxey Ka Doonaysaa?
NSUM Hargeysa Maxey Ka Doonaysaa?
Hargeisa (ssctimes.com) NSUM oo bilooyinkii danbe aad ugu dadaalayay sidii loo kala jabin lahaa shacabka SSC ayaa la sheegay inuu Gudoomiye ku xigeenka NSUM uu kusoo socdo Waqooyiga Somaliya magaalada Hargeysa, tasoo ay xaqiijiyeen odayaasha u adeega qabiiliiste Siilaanyo. Warka kasoo baxaya Hargeysa ayaa sheegaya in safarkani yahay all expenses paid trip taasoo micnaheedu yahay in casumaad loo fidiyay NSUM maadaama loo arkay halka kaliya ee laga kala jabin karo shacabka SSC.
Laakiin wararka dhanka kale ayaa sheegaya inuu Gudoomiye ku xigeenka Ururka NSUM sheegay inusan Hargeysa dalxiis ugu socon oo usocdo isfahansiinta Somalidiidka iyo Somalida taasoo la sheegay inuu ku tilmaamay Somaliland iyo Dhulbahante.
Si kastaba ha ahaatee waxaa cadaatay inu NSUM wanaagii ay sameyn jireen oo dhan manta kusoo aruurtay mid sidii islaan maseertay colaad hoosaad ula dirirto walaalahood doonaysana kala jabka iyo xumaanta shacabka SSC. Waxaa kaloo cadaatay laaluushkii hoosta laga siin jiray NSUM inay run tahay oo dadka sheegaya inay hogaaminayaan NSUM yihiin jeebkood u shaqeystayaal.
Weli lama hubo inay NSUM safarkan isku wada raacsan yihiin ama ogol yihiin, warkan inaga soo gaadhay Hargeysa ee kasoo baxaya odayaasha u adeega qabiiliiste Siilaanyo waa mid aan weli si fiican loo xaqiijin.
Wixii warkan kasoo kordha kala soco SSCtimes.com
Filed under: News, SSC News · Tags: siilaanyo, SNM Terrorists, somalia, ssc world









Comments