SSC TIMES » News » Nin Wiil Somali Dilay: Maanta Lagu Xukumay 22 Sano Xabsi
Nin Wiil Somali Dilay: Maanta Lagu Xukumay 22 Sano Xabsi
Maanta waxay maxkamada wadanka UK xukuntay ninkii dilay Hassan Kul Hawadleh oo ahaa wiil 20 jir ah oo jaamacad dhigta oo bishi Febraayo mindi wadnaha laga geliyay magaalada London xaafada Wealdstone, kadib markii isaga iyo saaxiibkiis ay soo weerareen rag badan oo loo gartay inay Somali ahaan un usoo aadeen wiilashan. Wiilasha midna xaga danbe ayay mindida ka gashay midna wadnaha, Hassan waxu doonayay saxiibkiis oo la dilayo inuu badbaadiyo marka mindidi baa lagula soo jeestay (alaah yaa raxma, ilaahay janadi fardowsa hageeyo aamiin).
Ninka dilay (Abdul Khan) oo maanta la dhahay waxa lagu xukumaya ‘life’ ama xabsi nololeed waxuu xirnaanaya 22 sano, ninkaasoo ah qaxooti ka yimid dalka Afghanistan. Maanta ninki xukamayay ayaa ku yiri:
“wiilki waxaad mindi ka gelisay garabka hadana waad ku celisayo mindi ka gelisay wadnaha”
“Wax yar oo raali gelina weli namaadan tusin”
Askarti baartay inay helaan ninkan qaxootiga afghanistaniga ayaa sheegay in wiilka Somaliga la dilay uu ahaa wiil aad u fiican oo wax barashadiisa ku dadaalo, oo wax wanaag un laga sheegi kara, waxa kaliya uu doonayay inu caawiyo saaxiibkiis (Abdiwahab Guiled 19jir), markay mindida geliyeen meeshay uga dhaqaaqeen inuu ku dhinto. Wiilka reerkiisana waa reer aad u wanaagsan oo Somalida magaalada dhan sheegtay marku dhibkan dhacay.
Halkan Ka aqriso sawirada wiilkana ka arag: AQRI
Filed under: News · Tags: somali boy, somali london









Comments