SSC TIMES » Awdalland, News » Awdal State Lama Aasi Karo – Awdal State Cannot Be Buried (Daawo)
Awdal State Lama Aasi Karo – Awdal State Cannot Be Buried (Daawo)
Awdal State (ssctimes.com) Awdal State cannot be buried is a new song to celebrate further the growing support of the independence of the region Awdal state of Somalia.
Somali:
Heesti Awdal State Lama Aasi karo hees cusub oo video horudhac loo soo saaray.
Kala soco SSC Times full videoga heestan.
Heesta Cusub ee LAMA AASI KARO waxaa Sameeyay Dahir Abdulle Alasow,waxaa laxanka saaray Mulaxamiistaha weyn Maxamud Goox Qarboosh.
Fanaaniinta qaadaya heesta waxaa ka mida:-
1-Maxamud Goox Qarboosh
2-Muslima Qaasim Hilowle
3-Bile Caraale
4- Sagal Arts
5- Muumin Jilicoow
6- Cumar Ashkir
7- Niciima Axmed
8-Ayaan Cali
9- Maxamed Yare
10- Canab Cali
Erayadda heesta ugu doorka roon waxaa ka mida
———————
Waa umad aqoon
Ilaah siiyayoo
Ilaa ab ka ab,
Ubadkii dhashaba
Lagu abaabiyoo
Waa Arli Cilmiga
Looga aflaxoo
AWDAL STATE
Lama aasi karo
—————
Waa Mahad ilaah
Adal israacday
Heleeleeyaa,
Heleeleey.
Waa Umad aqoon
Alle siiyayoo,
Asluub iyo anshax wada lahee
Indheergarad Saylac wada degee,
Heleeleeyaa,
Heleeleey.
Lagu wada ajiib
Waa Ileeys baxiyo
Iftiin lagu hirtoo
AWDAL STATE
Lama Aasi karo
———–
Heleeleeyaa,
Heleeleey.
Axmed Gureey halgankiisiyee
Halgankiisii ma hilmaami karo
Heleeleeyaa,
Heleeleey.
Waa Ileeys baxiyo
Iftiin lagu hirtoo
AWDAL STATE
Lama Aasi karo

Heestii oo dhamaystiran halkan ka dhagayso:
Filed under: Awdalland, News · Tags: Awdal State, awdalland, somalia









Comments