// post images.. ooooooooooooooooo00000000000000000000oooooooooooooooooo

Articles Comments

SSC TIMES » News » Codsi Loo Diray Raysal Wasaare Stephen Harper: Bashir Makhtal Soo Daa

Codsi Loo Diray Raysal Wasaare Stephen Harper: Bashir Makhtal Soo Daa

Raysal wasaaraha dalka Canada ayaa laga codsaday inu kala hadlo madax weynaha Itobiya sidii loo siidayn lahaa Bashir Makhtal. Ninkaasoo hada xabsiga itobiya ku xiran afar sandood, taasoo hay’adaha xuquuqda bini’aadanka u hadlo (amnesty International) ku sheegtay in si xaqdaro ahi layskaga haysto oo waxba uusan sameyn. Ninkan oo reerkiisa dagan yihiin Canada iyo tuuloo yar oo ku taalo dhanka Ogadenia. Ninkan oo aad reerkiisa uga xun yihiin in si xaquul la’aan ahi layskaga xabsi geeyay oo ilaa hada la diidan yahay in lasoo siidaayo.

Bashir Makhtal ehelkiisa oo Canada joogo ayaa Raysal Wasaaraha Canada Stephen Harper ka codsaday inuu Melez Zanawi ku dhaho soo wad Bashir Makhtal markuu imanayo Canada, isago Canada u imanayo inu ka qeyb qaato shirka weyn ee lagu qaban doono Canada oo la magac baxay G8 Africa Summit.

Bilooyin ka hor waxa isku dayay inuu soo siidaayo Bashir Wasiirka gaadiidka Canada John Baird, laakiin wu ku guulaysan waayay oo isago meelna ka gaarin arinta ayuu Canada ku noqday. Reerka hada waxay jecelyihiin in hadii uu soo dhex galo Raysal Wasaare Stephen Harper inay arintu meel fiican gaari karto, laakiin ilaa iyo hada lama hubo inuu soo dhex geli doono.

Bashir Makhtal waxuu haystay daganaansho Canadian ah 16 sano. Waxuuna u tagay kaliya inu reerkiisa booqdo taasoo ay hay’ada xuquuqda biniaadanka u hadasho Amnesty International cadeysay.

Written by

Filed under: News · Tags:

Leave a Reply

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>