// post images.. ooooooooooooooooo00000000000000000000oooooooooooooooooo

Articles Comments

SSC TIMES » Entries tagged with "sheeko story"

Ninkii Codka Dahabka – Man With Golden Voice (Daawo)

Ohio (ssctimes.com) Makula tahay inuu codkaaga noloshaada badali karo? makula tahay inuu codkaaga guri iyo shaqo aad u lacag badan ku siin karo? Hadaba shekadan dhabta ahi waxey ka dhacday magaalada Ohio nin ku nool oo lagu magacaabo Ted Williams (53 jir). Ninkan waxuu ka tuugsan jiray jidadka magaaladaas, isagoo guri la’aan iyo reer la’aanba ku dhacday maadaama uu noqday qamriyo cab jidadka seexda. Reerkiisi iyo eheladiisi oo dhan wey ka tageen keli buu noqday shaqadiisii iyo gurigiisiina wuu haysan kari waayay maadaama uu biilashii bixin kari waayey. Maalin maalmaha kamid isagoo jidkii uu ka tuugsan jiray taagan oo gaariyada meesha marayo lacag ka baryaya ayaa waxaa meeshii soo maray gaari uu saarnaa weriye ka shaqeeya axaa ka dhacday sheek jiray nin guri haysan … Read entire article »

Filed under: News, Qosol iyo Qiiro

Shukaansiga Wadaada iyo Aqoonyahanta (Daawo)

World (ssctimes.com) Miyaadan jecleyn inaad barato amo aad u muuqatid gabadh wanaagsan oo wadaad ah? laakiin adiga hadaadan wadaad ahayn maxaad sameyn kartaa? daawo videogan oo uu soo diyaaray wiil siinayo waano raga Somaliyeed sida gabdhaha wadaada loo shukaansado, waxuu tilmaamayaa ugu horeyntii waxa la sameeyo si ay gabadha wadaada ah kuugu aragto nin fiican. Wiilka videogan waxey u egtahay inuu soo maray dhibaatooyin badan kadibna ku qasabtay inuu barto siyaabaha loo shukaansado gabdhaha wanaagsan ee wadaada ah, markaa nala daawo videogan mijaajiada ah ee wiilkii soo sameeyay inoo sheegay inay ku qaadatay mudo dheer inuu ku ogaado siyaabaha loo baran karo gabadh wanaagsan. // Waanda wiilkan bixiyay waxaa ka mid ah: 1) Abu cudayba kadaab la bax 2) Yaan lagaa gar weynaan 3) Salaada Marqaati u hayso 4) Dhafoorka madow ka dhig 5) … Read entire article »

Filed under: News, Qosol iyo Qiiro

Qumane iyo Qaawane (part 13)

Adoonsigu Cabsi buu ka dhashaa! Usbuucbaa ka soo wareegay tan iyo intii labada saaxiib ay ku kulmeen beertii caanka ahayd ee “Doqon mawaaye”. Arimo fara badan ayaa dalkii ka dhacay oo qaarkood aad xasaasi uu ah. Qumane: Saaxiib ma nabadbaa? Qaawane: Saaxiib waa nabad ee adigu xaalkaaga ka waran? Qumane: Xaaladdu dhinacaygu waa boqol boqol, waana Ilaahay mahadii. Qaawane: Saaxiibow war lagu sii. Waa taad ka warhayso in ra’iisal wasaarihii Dowladda Ku Meel gaarka, is casilay. Sababaha uu isku casilay ka warami maayo, maxaayelay waa arin sidii la doono loo micnaysankaro. Waana sheeko muddo dheer ka aloolsanayd xaruunta isqab qabsiga ee ku taal magaalada Mogadishu. Waxaase la yaab leh, qof mar ku leh walaalo ayaan nahay oo waxaa aan ku wada jirnaa dowlad gobolayd layiraahdo “Puntland” hadana aan ogolayn cid aanan ka soo jeedin Garowe, Qardho ama Bosaaso oo wax ka … Read entire article »

Filed under: News, Qosol iyo Qiiro

Sheeko: Hablaha Qaar Waa Xumbo iyo Xiiso

Lasanod (ssctimes.com) Qisadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Hanad iyo Ikraan. Hanad ayaa sheekadani soo martay oo sidan uga waramay: Waxaan ku dashay magaaladda Kismaayo, waxbarashadeyda waxaan kusoo qaatay waqooyiga Somaliya magaaladda Laascaanood, sidoo kale Ikraan ayaa waxay iyana ila degneyd Laascaanood. Gabar Faaduma la-dhihi jiray ayaa waxaan ka caawin jiray computer-ka marka uu cilad kaga dhaco, maalin maal-maha kamid ah ayay Faaduma i soo wacday, waxayna ii sheegtay in uu Computer-ka ka haleysan, isla-markaana waxay iga codsatay inaan guriga ugu imaado si’aan ugu sameeyo, sidii ayaa waxaa ku imid gurigii Faaduma. Markaan guriga imid ayaa waxay sheegtay in’ay gabdho u imaan rabaan, sidaasi darteed aan u sameeyo computer-ka, si’ay gabdhaha ugu madadaaliso, waxaan maalintaasi guriga Faaduma yimid gabdho fara-badan, waxaana ku jirtay boqorada, xidigta aan ifka ugu … Read entire article »

Filed under: News, Qosol iyo Qiiro

Qumane iyo Qaawane (part 12)

Waalidu ma dhab’baa? Laba usbuuc ayaa ka soo wareegtay tan iyo intii ay labadii saaxiib dib sheekadoodii isugu soo laabteen. Arimo farabadan oo isbedel wata ayaa dhulkii hooyo ka dhacay tan iyo intii ay kalamaqnaayeen saaxiibadii. Qumane: Saaxiib waan ku salaamay. Ma waxaad doonaysaa maanta shaah mise Qaxwe? Qaawane: Waad salaamantahay saaxiib. Shaah ayaan maanta ku hormarinayaa. Waa laga yaaba hadii sheekada nala dheeraato in aan qaxwe qac ka siino. Shaahii ayeey ka qaateen magaaxidii dabadeed waxay uu dhaqaaqeen dhinicii beerta. Qumane: Saaxiib, ku dhawaad afar iyo toban casho ismaanan arag ee maxaa inoo kala danbeeyey? Qaawane: Waa runtaa saaxiib. Waxaa aan ku maqnaa magaalada Birmingham oo aan loba arimood uu tegay; waa midee waxaa halkaa degan reer aan qaraabo nahay, marka muddo ismaanan arag, sidaa darteed ayaan qaraabo salaam uu tegay; midda kale waxaa jiray … Read entire article »

Filed under: News, Qosol iyo Qiiro

Qiso Naxdin Leh: Mustaqbal Lumay (Listen)

World (ssctimes.com) Sheeko naxdin leh oo ku dhacday gabar dhalinyaro ah oo baratay nin ay u maleynaysay inu nin fiican yahay laakiin xaalad xun kasoo martay, gabadhan oo la siray markay ninka aamintay. Gabadha waxey mooday inu ninka guur iyo wanaag ka doonayo laakiin waxa cadaatay inu ninka xumaan doonayay. Gabadhan ayaa noqotay gabadh waqtigeedi iyo mustaqbalkeedi la baabi’yay. Sheekadan waxa la hubaa inay si rasmi ah gabdho Somali iyo kuwo kaleba ku dhacday, waa sheeko mar badan laga arkay wararka caalamiga oo gabdho ku dhacay ka sheekeeyay, laakiin gabdhaha Somalida haday ku dhacdo laga yaabaa inaysan TV soo hor fadhiisanayn oo aysan ka sheekeyn karin. Taasoo keentay in loo arkayo gabadha inay xuntahay xitaa hadii la siray ay dadka intooda badan fahmi karin. Si kastaba ha … Read entire article »

Filed under: News, Qosol iyo Qiiro

Qumane iyo Qaawane (Part 10)

Gooni Isutaag – Halkay Ku Danbayn Labadii Saaxiib waxaa ay fariisteen maqaaxidii ku taalay “Doqon Mawaaye”. Sababta ay go’aankaa uu gaareen maanta in ay ku yara hakadaan maqaaxida ayaa ka danbaysay markii ay dhagaysteen dood kulul ee dhexmaraysay martidii maqaaxida wax ka cabaysay. Nin ka mida martidii ayaa faaladiisa waxaa ay ku salaysnayd maamulka waqooyi galbeed oo uu si kulul oo aan loo aabe yeelin uga hadlayey. Ninkale oo agfadhiyey waxaa ka muuqatay wajigiisa caro, aad isleedahay – wal’lee mardhowbuu ninkan hadlaya sidii bisadii jiirka aragtay ku boodi doonaa -. Ninkii faaloonayey hadaladiisa waxaa ka midahaa, “… il’leen ummad aan wax’xukumi jirin marka aad howl udhiibatid arimo aan horay loo samayn oo laga yax yaxo ayeey ku dhaqaaqaan. Il’leen taad aragtaba ta kale ka daran, ummaddii Soomaaliyeed baa nala yaabanayd tan iyo 91kii … Read entire article »

Filed under: News, Qosol iyo Qiiro

Sheeko: Layla iyo Qays

Somalia (ssctimes.com) Layla iyo Qays, waa sheeko jacel ah oo ka mida sheekooyinka ugu caansan bariga dhexe,sheekadan waxay taariikhdeedu u noqneysaa ilaa qarnigii 7aad,Layla iyo Qays waa sheeko sida oo kale ku faaftay waqooyiga Afrika iyo India, hadaba Layla iyo Qays maxay ahaayeen? sheekadoodu siday se u dhacday? Nin la odhan jiray madjnun (ninkii waalnaa) oo magaciisa caadiga ahi uu ahaa Qays ayaa Layla kula kulmay si kedis ah meel ay dumar xaflad ku lahaayeen dabadeed wuxuu bilaabay inuu geeliisii gawraco munaasibadaa haweenka awgeed,haweenkan waxaa ku jirtay Layla, Layla waxay jacayl u qaaday Qays isna mid kii la mida ayuu u qaaday, si dhakhso ah ayuu Qays u doonay layla in uu u geed fadhiisto oo wuu weydiisto Aabaheed ,balse nasiib daro layla Aabaheed hore ayuu nin kale ugu balan qaaday … Read entire article »

Filed under: News, Qosol iyo Qiiro

Sheeko: Mucjiso Reer Ku Dhacday

UAE (ssctimes.com) Qisadani waxay ku dhacdey gabadh dhigan jirtey kulliyada shareecada ee jaamacad ku taalla mid ka mid ah dawladaha Khaliijka, gabadhani waxay lahayd cod aad u qurux badan isla markaana waxay akhrin jirtey habeen kasta qur’aanka kariimka. Hooyadeed habeen kasta marka ay sii seexaneyso waxay is taagi jirtey albaabka qolka hortiisa waxayna dhageysan jirtey oo maqli jirtey codka wanaagsan ee inanteedu ku akhrineyso qur’aanka, sidaas ayuu xa…alku ahaa muddo dheer ilaa ay maalin maalmaha ka mid ah ay xanuunsatey inantii. Qoyskii ay ka dhalatey ayaa ula cararey cusbitalka, maalmo ayey ku jirtey dhakhtarka ilaa halkaas rabi ku oofsadey, qoyskeedii wey argagexeen markaa maamulka cusbitalka uu ku wargaliyey geerida inantoodii. Laakiin warka geerida inantu waxa uu aad ugu cuslaa hooyadeed oo aad uga murugootey, maalintii koobaad ee geerideedu waxay ku ahayd hooyada … Read entire article »

Filed under: News, Qosol iyo Qiiro

Qumane iyo Qaawane (Part 9)

Dilaal’laydii Sayladaha Qumane: War tolow maanta maxaahelay saaxiibkay? In muddo ah daqiiqad wax ka badan ma’uu soo raagi jirin. Haa! Waakan. Saaxiib dhegaha isqabo, iminkadaa ayaan iswaydiinayey waxa kuhelay. Eebe cimri dheer oo caafimaad leh ayuu ku siinaya.   Qaawane: Aamiin. Adna sida oo kale ayaan kuu rajeeyey. Saaxiibow arinkale kuma aan raaginee islaantii xaafadda noo dhawayd degenayd ee Cawrala Aw Cali ayaa iga codsatay in aan warqadda dalabka ama Formka uu buuxiyo si looga saacido qarashka biyaha iyo laydhka.   Qumane: Saaxiibow Allah ajar ha kaa siiyo. Sida aad ummada ugu gargaartid haddi ay bulshadeena sidaa isugu gargarilahaayeen waxba nagama xummaadeen, oo ummaddan saxariirtay ee dhibka wadanka gudahiisa iyo dibaddiisa soo wajahday kuma ay nagaadeen silica haya. Allahayoow waa Ramadaane ummadda walaalaha ah isusoo jeedi.   Qaawane: Aamiin. Waanad mahadsantahay haddii aad sidaa ii aragtid. Anigu … Read entire article »

Filed under: News, Qosol iyo Qiiro

Qiso Cajiib: Mubaarak iyo Ruun

London (ssctimes.com) Dhacdadaan ayaa waxay u dhaxeysay lamaane Somaliyadeed oo ay dhex martay isbarasho yaab leh, waxaa hubaal akhristaha sharafta lahow, inaad yaabi doontaan. Dhacdadaan lamaanaha ee dhax martay ayaa waxaa lagu kala magacaa Mubaarak iyo Ruun. Mudane Mubaarak oo inala soo xiriiray ayaa inooga waramay sidii ay wax u dhaceyn, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan: Magacaygu waa Mubaarak waxaan ku dhashay waqooyiga Somaliya degmada Gabiley, balse waxan kusoo bar-baaray magaaladda waqooyiga Somaliya ee Hargeisa, waxbarashadaydana halkaa baan kusoo qaatay. Sanadkii 2000 ayaa waxaa inoo suurta gashay dhamaan inta xubnood ee uu ka kooban yahay qoyskayga inaan u soo duulno dalka Ingiriiska. Mudo markaan joogay magaaladda London ayaa aniga iyo wiil aanu saxib-nahay si-dalxiis u tagnay caasimadda labaad ee Ingiriiska. Alle wuxuu qadaray soo laabashadkii in aanu kusoo laabaneynay London … Read entire article »

Filed under: News, Qosol iyo Qiiro

Qumane iyo Qaawane (part 8)

Maxaalaga yeeli? Qumane: Waa tii usbuucii dhawayd qaboowgii nakala kexeeyee, saaxiibow maxaa inoo kala danbeeyey? Qaawane: Arimo farabadan ayaa aduunkii ku soo kordhay. Runtii meel aan kaaga soo qabto garan maayo. Maxaa yeelay arimo runtii nolosha muslimiinta taabanaysa, oo aad isleedahay waa mucjisooyin lagu tijaabinayo dulqaadkooda ayaa si isdaba joog ah isu soo taraya. Laakiin haddii Ilaahay nafta noo daayo mid mid ayaan uu soo qaadanaynaa. Qumane: Waa runtaa arimo farabadan oo aad isleedahay tolow madunida ayaa larogayaa, ayaa beryahan danbe dhacayey. Laakiin bal aan ta caamka ah meel iska dhigno, ee ta inoo gaarka ah ee Soomaaliyeed aan bal dul marno. Arimaheena maxaad ka oran lahayd?   Qaawane: Saaxiib waxaan kugu jeclahay sida wanaagsan ee aad wadada, wada hadalkeena ugu toosisid, iyo sida habsamida leh ee aad u soo afjartid, mowduuca aad doonaysid in aan ka hadalno. Hadaba … Read entire article »

Filed under: News, Qosol iyo Qiiro