// post images.. ooooooooooooooooo00000000000000000000oooooooooooooooooo

Articles Comments

SSC TIMES » Entries tagged with "somali boy"

Shukaansiga Wadaada iyo Aqoonyahanta (Daawo)

World (ssctimes.com) Miyaadan jecleyn inaad barato amo aad u muuqatid gabadh wanaagsan oo wadaad ah? laakiin adiga hadaadan wadaad ahayn maxaad sameyn kartaa? daawo videogan oo uu soo diyaaray wiil siinayo waano raga Somaliyeed sida gabdhaha wadaada loo shukaansado, waxuu tilmaamayaa ugu horeyntii waxa la sameeyo si ay gabadha wadaada ah kuugu aragto nin fiican. Wiilka videogan waxey u egtahay inuu soo maray dhibaatooyin badan kadibna ku qasabtay inuu barto siyaabaha loo shukaansado gabdhaha wanaagsan ee wadaada ah, markaa nala daawo videogan mijaajiada ah ee wiilkii soo sameeyay inoo sheegay inay ku qaadatay mudo dheer inuu ku ogaado siyaabaha loo baran karo gabadh wanaagsan. // Waanda wiilkan bixiyay waxaa ka mid ah: 1) Abu cudayba kadaab la bax 2) Yaan lagaa gar weynaan 3) Salaada Marqaati u hayso 4) Dhafoorka madow ka dhig 5) … Read entire article »

Filed under: News, Qosol iyo Qiiro

Hooyo Somali Caruurteeda Dishay (Daawo)

Seattle (ssctimes.com) Hooyo Somali oo caruurteeda Irmaajo kusoo xidhay intay gurigii ka baxday caruurtiina meeshi ku jireen 10 saac in ka badan, kadibna 2 cunug dhinteen inta kalena xaaladoda xuntahay. Mucjisadan yaabka miiran waxey ka dhacday magaalada Seattle ee Mareykanka, taasoo shacabka Somali naxdin u keentay, dariskana aad uga xumaadeen caruurta daryeelka xun ee lagu hayay. Irmaajada caruurta lagu xidhay waxey jireen 1 jir ilaa 7jir, si aysan uga soo bixin waxey irmaajada hor dhigtay Sariir culus. Markaa caruurta awood umaysan helin inay kaga soo baxaan irmaajada. Maanta ayaa maxkamad la bilaabay in la geeyo arinta hooyadan Somali ee caruurteeda baahi iyo dayactir ku dishay. English: Edyan Farah, 28, allegedly put all five of her children – aged one through to seven – into the small closet and pushed a bed in front … Read entire article »

Filed under: News, Qosol iyo Qiiro

Sheeko: Layla iyo Qays

Somalia (ssctimes.com) Layla iyo Qays, waa sheeko jacel ah oo ka mida sheekooyinka ugu caansan bariga dhexe,sheekadan waxay taariikhdeedu u noqneysaa ilaa qarnigii 7aad,Layla iyo Qays waa sheeko sida oo kale ku faaftay waqooyiga Afrika iyo India, hadaba Layla iyo Qays maxay ahaayeen? sheekadoodu siday se u dhacday? Nin la odhan jiray madjnun (ninkii waalnaa) oo magaciisa caadiga ahi uu ahaa Qays ayaa Layla kula kulmay si kedis ah meel ay dumar xaflad ku lahaayeen dabadeed wuxuu bilaabay inuu geeliisii gawraco munaasibadaa haweenka awgeed,haweenkan waxaa ku jirtay Layla, Layla waxay jacayl u qaaday Qays isna mid kii la mida ayuu u qaaday, si dhakhso ah ayuu Qays u doonay layla in uu u geed fadhiisto oo wuu weydiisto Aabaheed ,balse nasiib daro layla Aabaheed hore ayuu nin kale ugu balan qaaday … Read entire article »

Filed under: News, Qosol iyo Qiiro

Somali Boy Killed For His Organs

Xerada qoxootiga Xagardheer (Kenya), waxaa manta laga helay wiil Somali oo lagala baxay beerka, wadnaha iyo kelyaha meedkiisana lasoo dhigay xerada dhexdeeda dhanka ay dagaan Sudanta. Meeshaas oo buuq iyo rabsho ka bilaabatay markii meedkaa la helay. Wiilka waxa lagu tilmaamay inuu yahay 14 jir, lamina oga qofka falkaa xun ka danbeeyay. Maha markii ugu horeysay oo qof Somali ah sedan lagu sameeyo, hada ka hor nin Somali oo daganaa wadanka Koonfurta Africa (South Africa) ayaa sidan lagu sameeyay. Wadamada qurbahana waxa jira waxa af ingiriiska ladhaho ‘Postmortum’ oo ah baaritaan qofka meedka ah lagu sameeyo taasoo lagu ogaado sidu u dhintay, Somalida inta badan wey diidan in ehelkooda lagu sameeyo taasoo ay ka baqayaan in xubnahooda laga soo saaro. Dalka India hada ka hor nin baa xaaskiisa kelyeheeda lacag ku qaatay … Read entire article »

Filed under: News

South Africa: Wiil 2 Jir Sixun Ugu Dhintay

Magaalada Belha Dalka South Africa waxa maanta si xun ugu geeriyowday wiil 2 jir ah oo Somali ah, wiilkan lagu magacaabay Jabriil Cadow (ilaahay ha u naxariisto aamiin) waxu ku ciyaarayay guriga banaankiisa markay dusha kaga soo dhacday ganjeelo weyn, taaso dusha kasoo kortay cunugiina culeys aad uga weyn saartay, halkaana ku dishay. Aaabaha wiilka Cusman Cadow oo u waramay joornaalada magaalada magaalada Belhar ayaa sheegay inu wiilkiisa banaanka ku ciyaarayay hooyadana guriga ku dhex jirtay, laakiin banaanka ayay u oroday markay maqashay wiilkooda oo qeyliyay, markay banaanka usoo baxdayna cunuga dhulkuu xabadka ku hayay oo jiifay dushana waxa ka saarna ganjeeladan weyn. Askarta iyo dadka baara dhacdooyinka dhimashada ayaa baaraya arintan si loo hubsado inay ahayd lama filaan iyo inkale, maanta baaritaanka bilaabanaya ayeey sheegeen. English: A two-year-old boy … Read entire article »

Filed under: News

The Somali Government – The Rights of Somali Children and SSC children

The New York Times news paper today published an article accusing the Somali government of ignoring Child rights and using Children as an army against radicals. However, it has forgot to mention that the Children of SSC especially in the areas close to the SSC town of Laascaanood suffer from the brutal treatment of the Somaliland Clan Militia, who abuses them mentally, physically and verbally, preventing them from normal child life. The Children are often not allowed to play with friends as that is seen as demonstration like gathering, or planning against the Militia. Mothers and Children are searched on a daily basis, Children are often arrested and fear is instilled into their hearts and minds that they should fear the Militia. The psychological … Read entire article »

Filed under: News, SSC News

Reer Somali: Ninkan iyo Xaaskiisa Xukun Saara

Reer Muqdisho dagan ayaa maanta dalbaday in nin Malta dagan loo xidho oo warqad maxkamadeed bixiyay, kuwaasoo weli aad uga murugaysan geeridii iyo sidii foosha xumayd ee uu u geeriyowday wiilkooda. Wiilkan oo u shaqeenayay ninkan ay doonayaan in la xidho, kadib marki doontii uu kaluumaysiga ay iska qaraxday aana weli sifiican loo baarin lana ogeyn sababti ay u qaraxday. Reerka waxay ninkan ku eedeeyeen inu u sheegi waayay dadka doontani ku canshuuraysneyd iyo sababti ay u qaraxday taaso ay dhaheen waxa weeye doonta nidaamka wadamada Europe oo kale ma ahayn oo duug aan la dhowrayn bay ahayd. Reerka baa doonaya ninka iyo xaaskiisaba in loo saaro maxkamad si lacag ama xukumaad kale loo mariyo loona ogaado sababti dhibka u dhaceen. English: The family of a Somali migrant … Read entire article »

Filed under: News

Nin Wiil Somali Dilay: Maanta Lagu Xukumay 22 Sano Xabsi

Maanta waxay maxkamada wadanka UK xukuntay ninkii dilay Hassan Kul Hawadleh oo ahaa wiil 20 jir ah oo jaamacad dhigta oo bishi Febraayo mindi wadnaha laga geliyay magaalada London xaafada Wealdstone, kadib markii isaga iyo saaxiibkiis ay soo weerareen rag badan oo loo gartay inay Somali ahaan un usoo aadeen wiilashan. Wiilasha midna xaga danbe ayay mindida ka gashay midna wadnaha, Hassan waxu doonayay saxiibkiis oo la dilayo inuu badbaadiyo marka mindidi baa lagula soo jeestay (alaah yaa raxma, ilaahay janadi fardowsa hageeyo aamiin). Ninka dilay (Abdul Khan) oo maanta la dhahay waxa lagu xukumaya ‘life’ ama xabsi nololeed waxuu xirnaanaya 22 sano, ninkaasoo ah qaxooti ka yimid dalka Afghanistan. Maanta ninki xukamayay ayaa ku yiri: “wiilki waxaad mindi ka gelisay garabka hadana waad ku celisayo … Read entire article »

Filed under: News